Qarax is-miidaamin oo lagu dilay guddoomiyihii MARKA

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa is-miidaamin, waxaana lala beegsaday goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhintay 11 qof oo kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qaraxa wuxuu ka dhacay xarunta maamulka degmada, waxaana fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday guddoomiyaha.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali oo war qoraal ah kasoo saaray qaraxan ayaa xaqiijiyey geerida Marxuum Waafow, wuxuuna tacsi u diray guud ahaan dadkii ku dhintay weerarka maanta ka dhacay magaallo xeebeedka Marka.

“Inaalillahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa muraga la qeybsanaya shacabka degmada Marka oo maanta ka baxay nin qiima badan u lahaa Alla yaa raxma Gudomiye Waafow. Dadkii ku dhintay ilaahay ha u naxriisto dadkii ku dhaawacmayna alle caafimaad degdeg ah ha siiyo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyey baraha bulshada.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdulaahi Waafoow oo Murtadiinta ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Marka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ka fulisa gudaha dalka, waxaana aad loo xasuustaa qaraxii Beledweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.