Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay iridka hore ee masaajidka Sheekh Cabdi oo aan sidaa uga sii fogeyn Isgooyska Cali kamiin.
Dadka deegaanka ku ah xaafada Cali kamiin, ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la dhigay iridka hore ee masaajidka.
Qaraxa ayaa dhacay dhowr daqiiqad un kadib markii laga soo baxay salaada duhur xilliga Magaalada Muqdisho.
Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa Digtoor ka howlgala mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho, kaasi oo larumeysan yahay in Qaraxa loogu soo xiray.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Afar ruux oo kamid ahaa dadka kasoo baxay Salaada duhur.
Maamulka degmada iyo Saraakiisha amaanka ee ka howlgala degmada ayaan wali ka hadal Qaraxa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

