Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qarax aad u xooggan daqiiqado ka hor kaasoo laga maqlay guud ahaan Magaalada.

Uuro iyo qiic cirka isku shareertay ayaa la arkayay, waxaana qaraxa uu ku abaarnaa Wadada Maka Al-Mukarama.

Gaari maraayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa mar kaliya qarxay, waxaana uu u muuqday qaraxa mid gaariga ay ku jireen, maadaama mar kaliya uu qarxay gaariga.

Gaariga qarxay ayaa hor maraayay Midnimo Super Market oo ah xarun ganacsi kuna taalo laamiga dabka, waxaana jira khasaare dhimasho ah oo ka dhashay gaarigaasi qarxay.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa durbadiiba ku cararay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la xiray wadada, iyadoo hadda ay socoto baaritaanka gaariga qarxay iyo shaqsigii watay.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkaan dambe ammaanka Magaalada Muqdisho uu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dhicin qaraxyo iyo falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu marayay wadada, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Dabka, waxaana uu ku hor qarxay goobo ganacsi oo wadada dhinaceeda ku yaalla.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan, iyadoo goobta ay durbaba xireen ciidamada ammaanka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah