24.9 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Sawiro: Qaraxii Muqdisho ka dhacay oo burbur weyn geystay iyo dhimashada oo….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa dhaliyay burbur weyn, wuxuuna ka dhacay Wadadda Maka Almukarama inta u dhaxeysa Hotelka Maka Almukarama iyo Saldhigga Booliska Degmada Waaberi.

Gaari maraayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa mar kaliya qarxay, waxaana uu u muuqday qaraxa mid gaariga ay ku jireen, maadaama mar kaliya uu qarxay gaariga.

Gaariga qarxay ayaa hor maraayay Midnimo Super Market oo ah xarun ganacsi kuna taalo laamiga dabka, waxaana jira khasaare dhimasho ah oo ka dhashay gaarigaasi qarxay.

Dhimashada ayaa ilaa hadda lagu sheegay inay gaareyso ilaa 10 qof oo shacab u badan halka dhaawaca uu gaarayo intaas ka badan.

Faahfaahintiisa oo dhameystiran dhawaan ayaad la socon doontaa Inshaa Allah

- Advertisement -

Read more

Local News