Akhriso magacyada golaha wasiirada uu Shariif Xasan magacaabay maanta

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa goor dhaw ku dhaawaqay isku-shaandheyn lagu sameeyay xubnaha gollaha wasiiradda maamulka.

Isku shaandheyntan oo aheyd mid todobaadyadii ugu danbeeyayba siweyn looga hadal hayay magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka dhax muuqanaya wasiiro cusub, halka wasiirradii hore qaarkood loo badallay wasaarrado kale.

Madoobe Nuunoow Maxamed oo horay u ahaa wasiirka beer iyo waraabka ayaa hadda noqonaya wasiirka arimaha gudaha maamulka Koonfur galbeed, halka Cabdiraxmaan Sate Wasiirkii hore ee arimaha gudaha loo magacaabay wasiirka maaliyada.

Xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay uga codsaday madaxweynaha in uu is badal ku sameeyo golaha wasiirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan xubno aan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.

Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in la shaaciyay Wasiirada Maamulkaasi waxaana dhamaantood la sheegay in ay yihiin wasiiradii hore marka laga reebo wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha oo ay ku jiraan Wijiyo Cusub.

 Tirada Wasiirada ayaa laga dhigay 24 Wasiir iyo 24 Wasiir ku xigeen iyo 9 Wasiiru Dowle iyadoo la filaayo in dhawaan Madaxweyne Shariif Xasan uu hor geeyo Baarlamaanka Maamulkaasi.

Nurdiin Yuusf Abuukar Afhayeenka oo ah afhayeenka madaxtooyada K/galbeed ayaa saxaafadda u akhriyey magacyada wasiirada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com