Xoosh Jabriil oo ka cudur daartay inuu hor tago baarlamanka iyo golaha oo go’aan ka gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ayaa dood adag ka leh maanta sababta  uu u hor iman waayey wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril .

Wararka laga helayo hoolka golaha shacabka oo hadda uu kulanka ka socda ayaa sheegaya in wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril uu warqad cudur-daar ah golaha u soo diray todobaadkii hore isaga oo sheegtay xaalad caafimaad, codsanaya in uu golaha hotrago 11 August , 2017-ka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo saaka sugayay Wasiir Xoosh, si ay su’aalo uga weydiiyaan qaraarkii uu ka hor yimid ee ku aadanaa go’aankii Baarlamaanka uu ku laalay amarkii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu celiyo doorashadii 8-dii kursi ee muranka la geliyay sharci ahaanshahooda.

Wasiir Xoosh ayaa warqad u soo qoray Guddoonka Baarlamaanka ka codsaday in dib loogu dhigo kulanka, isagoo tilmaamay in 11 Agosto uu diyaar u yahay inuu hor-yimaado Baarlamaanka.

Intaas kaddib Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku xiran tahay inay fasax siiyaan iyo in kale, iyadoo lagu in cod loo qaado warqada fasaxa uu dalbaday Wasiir Xoosh oo ah inuu Baarlamaanka ku hor imaanayo 11 Agosto iyo in kale.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn isku raacay in Xoosh aan laga aqbalin fasaxaan, isla markaasna laga fiirsado xilkiisa.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com