Qaraxii labaad oo xooggan oo ka dhacay agagaarka safaarada Qadar ee Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waxaana Qaraxa xigay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidamada Dowlada.

Qaraxa ayaa la sheegay in la dhigay dhabarka dambe ee Safaaraddii hore ee Turkiga, oo hadda ay degan tahay Safaarada Qadar.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Miino nooca tanka weyn, waxaana xiliga Qaraxa halkaasi ku sugnaa qaar kamid ah ilaalada Safaarada Qadar iyo dad shacab ah oo goobta Qaraxa uu ka dhacay maraayay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi isku gadaamay Ciidamada Dowlada oo gurmad ahaan u gaaray, waxaana xusid mudan in Ilaalada dhismaha Safaarada ay rasaas ooda uga qaaden dadka ka agdhawaa eeryada.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana iminka halkaasi ku sugan Ciidamada Dowlada.

Waxaa xiran dhammaan waddooyinka gala dhismaha Safaarada Qadar waxaana sidoo kale jira Khasaaro ka dhashay Qarxyada oo ahaa ilaa laba Qarax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com