Sawirro: Mid ka mid ah beelaha Mudullood oo shirweyne uu uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Galmaax Yoonis oo ka mid ah beelaha Wacbuudhan Abgaal ayaa manata shir-weyne ay uga tashanayaan aayaha beesha iyo xaalada dalka gaar ahaan degaanada ay degto beesha ee Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe, wuxuu kaga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo socon doona muddo Seddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyeyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo dhammaan bulshada qeybaheeda ee ka soo jeedo beesha Galmaax.

Furitaanka shirweynaha oo khudbado kala duwan laga jeediyey ayaa lagu sheegay in maalmaha uu socdo shirkaan looga hadli doono, masiirka iyo maqaamka gobolka Banaadir, xaquuqd matalaada ee dadka degaanka gobolka Banaadir ee aqalka sare iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, saamiga beesha ee maamulka Hirshabelle, moowifka beesha ee ku aadan dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo arrimo kale.

Si kastaba ha ahaaatee Beesha Galmaax horay kulamo ay ku yeesheen Muqdisho iyo dalka dibadiisa, waxa ay kaga cawdeen xukuumadda Ra’iisul waaraare kheyre iyagoona Madaxweynaha ugu baaqay in laga beesha laga siiyo saamiga ay ku leedahay dowladda Dhexe iyo iyagoona ka digay in maamulka Muqdisho loo magacaabo masuul aanan ahayn beesha degaan ahaan Muqdisho xaqa u leh ee Wacbuudhan Abgaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com