Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay banaanka hore ee maqaayad lagu iibiyo “Italia Coffee” oo ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo cayaaraha ee ku taalla magaalladda Muqdishu.
Sidoo kale halka qaraxa uu ka dhacay, waxaa ay 100 meters u jirtaa xaruunta wasaaradda amniga gudaha.
Ugu yaraan 7 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeeyn.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in toddobo qof ku dhimatay qaraxaasi, waxa ayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay u badnaayen Odayaal iyo dhalinyaro goobta ku shaahaayay.
Gaariga Qaraxa loo adeegsaday ayaa la sheegay inuu ahaa Gaadiidka Raaxada ee loo yaqaan ”Saruf” kaa oo la dhigay goobta isla markaana wadihii gaariga uu Goobta ka tagay Qaraxa ka hor.
https://www.youtube.com/watch?v=eXZuciakaX4

