Ma Farmaajo ayaa dayacay kooxdisii ololaha mise musuq maasuq ayuu diiday?

Muqdisho (Caasimada Online) – 24-kii saac ee lasoo dhaafay warbaahinta waxaa hareysay arin ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu dayacay kooxdisii ololaha, dad ka tirsanaa ragii la qaaday ololihii lagu doortay 8dii Febraayo ayaa sheegay in Farmaajo uu iloobay, in kiro guryo lagu heysto iyo dayacaad kale.

Dadka aan ku jirin xeendaabkii ololaha Farmaajo xog kama heysan arintaan madaama ay tahay arin dad gaar ah quseysay.

Waxaan waqti ku bixiyay dhab ahaanshaha eedeyntaan waxaana la xiriiray dhowr qof oo ka mid ah raggii u ololeeyay madaxweyne Farmaajo oo qaar ay Hotel Gaaboow daganayeen qaarna ay daganayeen guri laga kireeyay Agagaarka Hotel Dayax , waxaa kaloo jiray dad uu madaxweynuhu ka mid yahay oo daganaa Hotel Jaziira mise badneyn waxaana sheekada u kala qaaday labo dhinac anigoo ku saleynaya xogta aan helay.

Maxaa ka jira arintaan ?

Sida caadiga ah musharax walba waxaa uu lahaa goobo laga wado ololihiisa iyo dad shaqada wada, Farmaajo waxaa uu ka mid ahaa kuwa heystay ololayaashii ugu fiicnaa laakiin goormee la fasaxay goobihii la daganaa ee kirada ahaa ?

Sida la ii xaqiijiyay 5-tii Febraayo waxaa kulmay maamulka Hotel Gaaboow iyo masuulkii kooxda ololaha u kireeyay Hotelkaas waxaana uu bixiyay wixii lacag ahaa ee ku taagnaa iyo waliba lacag ay kusii daganadaan 5-ta cisho ee soo aadan (ilaa 10-ka Febraayo ) madama ay doorashadu ku aadaneyd 8dii bishaas waxaana uu balanku ahaa in hadii Farmaajo guuleysto iyo hadii uu guul dareystaba laga baxo hotelka, Sidoo kale kooxdii daganeyd guriga waxaa laga bixiyay lacag ku eg ilaa 31-da bisha Febraayo gurigaas waxaa kireeyay shaqsiyaad gaar ah , waxaa la ii sheegay in dadkii u qaabilsanaa bixinta lacagtaas iney 31-dii bixiyeen lacagihii kirada ayna fasaxeen guriga.

Inta badan waxaa hotelka iyo gurigaba ka guuray dhalinyaradii ololaha waday waxaase jiray dad kusii nagaaday oo  iyagu la sheegay iney jeebkooda iska dabarayeen mana jirin balan qaad ay ka heysteen madaxweyne Farmaajo oo ah in qarashaadka laga sii bixin doono.

Maxaa cabashada keenay hada ?

Soomaalidu waxey tiraahdaa “Baroortu Orgiga Ka Weyn “Kooxdii ololaha ee Farmaajo waxaa ay u qeybsameen labo, qolo shaqaale noqotay oo raacay madaxweynaha kuwaas oo u badan kuwii ugu aqoonta fiicna uguna dadaalka badnaa xiligii ololaha iyo koox kale oo arintood lagu soo koobay “ololeeyayaal”  kuwaas oo shaqooyinkoodii hore u laabtay laakiin lagu xushmeeyo dadaalkii ay muujiyeen.

Laakiin qaar ka mid ah dadkii ololeeyay ee laga tagay ayaan ku qancin ineysan ka mid noqon shaqaalaha Dowladda, ma jirin heshiis lagu galay in qof kasta oo Farmaajo la ololeeya xil la siin doono hadii uu guuleysto ama la shaqaaleysiin doono tiiyoo ay jirto in nidaam gaar ah ay leedahay ka mid noqoshada shaqaalaha Dowladda.

Sida aan ka baranay Dowladihii hore waxaa jiray dad lagu naasnuujiyo Hoteelada Muqdisho oo sheegan jirin iney madaxweynaha soo saareen laakiin waxaa ay aheyd musuq maasuq qaawan madaama aaney jirin wax u baaneyay madaxdaas iney hantida shacabka siiyaan dad iyaga abaal shaqsi ah u galay, si kastaba maanta waxaa muuqata in madaxweyne Farmaajo uu ka hor yimid in xoolaha umadda uu ugu abaal gudo dadka isaga saaciday.

Farmaajo waa uu abaal gudi karaa qofkii soo caawiyay hotel haka dhiibo ama gaari ha u gadee laakiin sida uu horey shacabka ugu balan qaaday ma’ahan inuu xoolaha dadka siiyo kooxdisii ololaha ama dad ay heyb wadaag yihiin.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
Email: raafac22@hotmail.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com