29.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

“Dowlada Farmaajo ha ku laabato waxa uu dastuurka ka qabo xuquuqda aan ku leenahay dalka”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali soo baxaaya warar sheegaya in Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ay dhagaha ka fureysatay dhawaqa kasoo yeeraya Qowmiyada Eriteria ee Somalia.

Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia Fikak Cali Cumar oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, ayaa sheegay inay muuqaneyso in la xaqiraayo xuquuqda ay ku leeyihiin Somalia.

Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia, waxa uu sheegay in dhambaalada ugu badan ay u direen Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo hayeeshee ay u muuqato in dhagaha ay ka fureysaneyso baaqa ku aadan xuquuqdooda.

”Waxaan garan la’ ahay sababta ay Dowladu isaga indha tireyso xuquuqdeena, aamusnaanta waxaa ka wacan deyrada waayo waxaan isku heysanaa inaanu nahay dad la tirtiraayo libintooda”

”Waxa ay ila tahay in Madaxdu aysanba dib u milicsan waxa uu Dastuurka ka qabo xuquuqdeena, waxaa nasiib daro ah in qodobada lagu qoray Dastuurka aan lagu shaqeyneynin”

”Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaan ka codsaneynaa inay dib ugu laabtaan Dastuurka iyo kaalintii aan ku laheyn xoreynta Somalia”

Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia, ayaa sidoo kale Madaxda ugu sareysa DFS ugu baaqay inay ka dhabeeyan Cadaalada ay hal ku dhiga ka dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia Fikak ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqay inuu dib u eego Qowmiyada.

W/Q. Nuuradiin Maxamed Nuur (Farad)

Nairobi – Kenya

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News