Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo si weyn loo maqlay jugtiisa

Faah-faahino hordhaca ah oo kasoo baxaya qaraxaan, ayaa waxay sheegayaan in loo adeegsaday gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna ka dhacay bartamaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay barkoontarool oo ku taalla agagaarka Buundada Nuur Xawaad, halkaas oo ah koontarool Canshuurta looga qaado gaadiidka gala ama ka baxa gudaha Baledweyne.

Sidoo kale muuqaal laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya qiic cirka isku shareeray kadib markii uu dhacay qaraxa, kaas oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Ma cadda bartilmaameeda qaraxan, waxaana xaaladdu ay tahay weli mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Weli si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday qaraxaan iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Beledweyn ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net