Xog: Xasan Sheekh oo safar qarsoodi ah ugu baxay dalka dibadiisa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 49 cisho ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa galabta uga tegay safarkii ugu horeeyey oo wax faahfaahin ah aan laga bixinin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynuhu uu aaday dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka dagaalka Al-Shabaab ka taageera Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh qodobada uu kala hadlayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka mid tahay baajinta ciidan ka tirsan Hiil-walaal ATMIS  oo la qordheynayo inay dalka ka baxaan.

Sida caadiga ah ciidamada ATMIS waxaa u bilaabatay inay qeyb qeyb dalka uga baxaan, waana lagu heshiiyey, balse waxaa soo baxaya baahiyo ay jawaheyso dowladda Soomaaliya.

Dowladda oo dagaal kula jirta Al-Shabaab ayaa hadana ku dadaaleysa oo laga doonayaa inay saldhigyada ay joogaan kala wareegto ciidamada ATMIS, hadba qeybtii baxaysa.

Hadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Jabuuti uu ka codsanayo in ciidamada ATMIS qeybta ay ku leeyihiin ay dalka sii joogaan, ilaa inta dowladda Soomaaliya ay isku filaasho ka gaareyso.

Ciidamada la qorsheynayo inay baxaan bilaha soo socda ee Jabuuti ka socda waxay fariisin ku keeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo hadda ah saldhigga ugu weyn ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ciidamadaas ay sii joogaan dalka, ciidankaan oo gacanta ku haya garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa ah kuwo si weyn looga jecelyahay deegaanka ay ka howlgalaan.

Sida caadiga ah dhamaan garoomada degmooyinka iyo caasimadda dalka waxaa amnigooda suga oo gacanta ku haya ciidamada ATMIS, waxaana la door-biday amni iyo kala dambeyn.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh uga baxay dalka, madaxweynaha ayaa ku dhawaad laba bilood ka soo maqnaa madaxtooyada dalka, wuxuuna ka baaqday dhowr safar oo dibadda ah, wuxuuna safarkii ugu dambeeyey oo Mareykanka ahaa u diray Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre.