SAWIRRO iyo XOG CUSUB: Qaraxyadii ka dhacay NAIROBI oo illaa 60 qof ay…

Nairobi (Caasimada Online) – Wariyaha Caasimada Online ee Nairobi, ayaa soo sheegay in labo qarax ay ka dhacayn magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 60 kalena waa ay ku dhaawacmayn waxaana ku jirra carruur.

Qaraxyada ayaa lagu weerarray basaska dad weynaha ee adeegsada waddada Thika Road.

Qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in ay khatar tahay xaaladooda.

Labada qarax waxa ay ka dhacayn waddada weyn ee Thika, gaar ahaan afaafka horre ee hotel the Bluesprings Hotel kan labaad wuxu ka dhacay Kasarani.

Dadka dhaawaca ayaa loola cararay isbtaalada Kenyatta National Hospital iyo Ruaraka Uhai Neema Hospital.

Dadka dhintay waxaa xaqiijiyay , Dr. Antonio Milito oo ku sugan Ruaraka Uhai Neema Hospital oo la geeyay dhammaan dadka ku wax yeeloobay qaraxyada.

Wuxuu sheegay in labo qof ay ku dhin 60 kalena ay ku dhaawacmayn, dadkaas waxaa ku jirra 20 kale oo dhaawacooda caafimaad uu yahay halis.

Qaraxyada xalay ka dhacay Nairobi ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xaley uun ay ahayd markii qaraxyo seddax ah ay ka dhaceyn magaalada Mombasa ee xeebta dalka Kenya.

Kenya ayaa la kulmeysay weerarro xoog badan wixii ka dambeeyay markii ciidamo u direen Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

na 1na 2na 3na 4na 5

Caasiamda Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com