QM oo fara-gelisay xiisadda DF iyo Puntland iyo kulan xasaasi ah oo ka socda…

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallo xasaasi ah ayaa goordhoweyd uga bilowday Madaxtooyada Garoowe madaxweynaha Puntland iyo ergeyga Qaramada u qaabilsan Soomaaliya.

Wada-hadalladan oo albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saaraya khilaafka sii xumaaday ee Puntland iyo Villa Somalia, kaasi oo cirka isku sii shareeray kadib tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka.

Kulanka madaxweyne Saciid Deni iyo ergayga QM Catriona Laing ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.

Puntland ayaa meel adag iska taagtay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka, ayada oo Xasan Sheekh ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.

Wax ka beddelka dastuurka ee shalay meel-marka noqday ayaa sidoo kale la kulmaya diidmo xooggan oo dhanka madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shaki la gelinaya dhaqan-galkiisa.

Si kastaba, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ayadu waqti iyo xoolaba gelisay ansixinta afartaan cutub, si gaar ah cutubka 4-aad oo ay ku jiraan qodobada ugu muhiimsan dastuurka, gaar ahaan kuwa taabanaya siyaasadda iyo hab xukunka dalka ee muhiim u ahaa Madaxtooyada, waana midka diidmada u badan wajahaya.