Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay nin fal argagax leh gaystay, kadib markii…

Burco (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland oo sameeyay howlgal saacado badan qaatay ayaa gacanta kusoo dhigay nin darawal ah oo habeen hore fal argagax leh ka gaystay magaalo xeebeedka Berbera ee isla maamulkaasi, kadib markii uu si arxan darro ah u jiiray ilmo yar oo 9 sano jir ah, kadibna uu ka baxsaday goobta.

War kasoo baxay booliska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegaya in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Jaamac lagu qabtay isaga oo baxsad ah magaalada Burco.

“Eedaysane Maxamed Farxaan Jamac oo ahaa darewalkii waday baaburkii jiidhay ilmaha yar ee 9 jirka ah ayaa laga soo qabtay Magaaada Burco kadib markii uu baxsaday isla habeen hore” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay ciidanka Booliska Somaliland.

Gaariga uu shilka gaystay ninkan ayaa sidoo kale horay loo qabtay, kadib markii uu shilka dhacay, ayada oo darawalkii baxsadka ahaana ugu dambeyn lasoo qabtay.

“Ciidanka boolisku waxay sheegeen inay hore uxidheen baaburkii shilka gaystay. Ciidanka booliska ayaa sheegay inay sidoo kale inay ku daba-jireen koox dhalinyaro ah oo la socotay eedaysanaha markii shilku dhacay” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Inta uu howlgalkan uu socday ayaa waxaa lagu qabtay in ka badan 300 oo gaadiid ah oo ay isku nooc yihiin baabuurka shilka gaystay, si loo soo helo eedeysanaha hadda la qabtay.

“Hawl-gal qaatay mudo 24 saacadood ah ayaa lagu soo qabtay eedaysanaha iyo baaburkii uu watay , waxaa arinkaasi loo xidhay in ka badan 300 gaadiid ah” ayaa lasii raaciyay.

Somaliland ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in darawalkan la marsin doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, maadaama uu dil gaystay.