Sacuudiga oo shaaciyey maalinta 1-aad ee Ramadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Sacuudiga ayaa sheegay in bisha aan la arkin kadib markii la baaray, sida lagu yiri bayaan kooban oo goordhoweyd soo baxay.

“Bisha Ramadaan lagama arkin Sacuudiga maanta, sidaas darteed Khamiista 23-ka March 2023 waxay noqon doontaa maalinta koowaad ee Ramadaan.”

Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa sidoo kale sheegay in habeen dambe la bilaabi doono dukashada salaada taraawiixda.

“Salaada Taraawiixda ayaa si toos ah uga bilaaban doonta Labada Masjid ee Xaramka kadib Salaadii Cishaha ee habeen dambe.”

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin curashada bisha Ramadaan, waxaana loo badinayaa in wasaaradda ku dhawaaqdo in Khamiista ay soon tahay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.