Sarkaal AL-SHABAAB u qaabilsana diiwaan-gelinta ganacsiyada oo la xakumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Cali Abuukar Jimcaale Rooble oo lagu helay in kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan-gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda.

Cali Abuukar ayaa waxaa loo soo xiray 3-dii bishii November ee sanadkii hore kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab, waxaana uu sidoo kale kamid ahaa qeybta Amniyaadka, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninkaan ayaa waxaa la sheegay in reerkiisa u dhoofiyeen dalka South Africa 2010-kii sanad kadib markii uu ku biiray Al-Shabaab, laakiin toddoba sano kadib dabayaaqadii 2017 ayuu kusoo laabta magaalada Muqdisho, isaga oo aysan waxba iska bedelin fikirkiisi.

Markaas kadib waxay kooxda u wakiilatay Cali diiwaan-gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, ayada oo mar kale ay ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Waxaa lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali Jabhad horjooge lagu magacaabo oo hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysata.”

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka ogolaaday 4-tii March ee sanadkan.

Garsoorka ayaa sheegay in waqti ku filan uu siiyay dhinacyada dacwadda, ayada oo habraacii maxkamadeed kadib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble 8 sano oo xabsi ciidan ah.

Ninkaan ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan heerka 1-aad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida.