Faah-faahin laga helayo dil askari loogu gaystay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helay dil askar ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Askarigaan ayaa waxaa la sheegay in howl-gal uu ku jiray xilliga la dilay, ayada oo gacanta lagu soo dhigay ninkii dilka geystay, sida uu shaaciyay taliska Booliska Somaliland.

Taliska Booliska ayaa sheegay in askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Cali Axmed uu ka tirsanaa qaybta Booliska bariga Hargeysa, ama saldhiga booliska ee Macalin Haaruun.

“Askariga eedaysanihii dilay gacanta ayuu kusoo dhigay Booliska, waana xidhan yahay, kiiskiina waa la baadhayaa. Ninka dilka ku eedaysani ma fakan, in badan ayaa la raadiyay saaka waa ku dhawaad kii ayaa la helay CID-da ayuu ku xidhan yahay,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Somaliland.

Waxa uu intaas sii raaciyay afhayeenka u hadlay ciidanka Booliska Somaliland “Maxkamada ayaa loo gudbinayaa eedeysanaha isla maanta ama berri oo garsoorka ayaa la marinaya.”

Afhayeenka Booliska Somaliland ayaa sheegay in baaritaanada hordhaca ah ay meesha ka saarayaan in askarigaas loo dil wax aanooyin qabiil ah, “Waxaa ka digeyna dadka si kale u dhigaya ee leh qabiil ayaa loo aaneeyay oo loo dilay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in la hayo markhaatiyo la xiriira dilka askarigaas, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan garsoorka horgeyn doonaan eedeysanaha, si loo marsiiyo sharciga oo cadaalad u helo marxuumka oo ka tirsanaa booliska Somaliland.

“Dilka askariga waa dil si caadi ah u dhacay, kama muuqato in qabiil loo aaneeyay, ama loo dilay, sida baadhistu muujinayso, waxaanu ka digayna dadka si kale u dhigaya ee leh qabiil ayaa loo aaneeyay oo loo dilay.”

Dilkaan ayaa imanaya xilli ay meel sare gaartay xiisadda dagaal ee magaalada Laascaanood, lagana soo warinayo gudaha Somaliland in dagaalka socda uu saameyn ku yeeshay amaanka guud ee magaalooyinka kale, ayada oo Somaliland lagu tiriyo meelaha ugu amaanka wanaagsan ee dalka.