DF oo sheegtay arrin yaab leh oo ay sameeyeen shirkado u tartamaya adeegga Xajka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeegga Xajka sanadka 1444/2023 ayaa weli wada hubinta iyo kala xulista shirkadaha sida saxda ah usoo buuxiyay shuruudihii ay hore u shaaciyeen, ee laga rabay shirkadaha doonaya u tartamida u adeegga Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa shaacisay in shirkadaha qaar ee soo xareystay tartanka adeegga Xujeyda Soomaaliyeed ay codsigooda kusoo gudbiyeen dukumtiyo been abuur ah, sida shati been abuur ah, sida ay xaqiijisay wasaaradda Ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo wasaradda Diinta iyo Awqaafta kala shaqeynayay hubinta iyo sugnaashaha dukumtiyada ganacsi ee shirkadaha soo gudbiyeen ayaa waxa uu sheegay in markii ay baaris ku sameeyeen shatiyada kadib ay usoo baxday in qaarkood yihiin been abuur, loo eekeysiiyay shati shaqeynaya.

“Waxaa u nimid Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ku howlan shaqo aad u muhiim ah shacabka Soomaaliyeed, oo waxaa la hubineynay shatiyada ay shirkadaha kusoo dalbadeen adeeggaasi, waxaa isdul-taagnay shatiyadaas oo qaar kamid ah ay sax yihiin, qaarna been abuur yihiin,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa uga digeyna shirkadaha been abuurka keena meelahan oo kale, waxaa uga digeyna in aysan markale kusoo qaldamin. Ha ogaadan in wasaaradaha ay isla wad shaqeeyaan oo hadda kadib halkaan la keeni doonin wax been abuur oo wax lagu soo dalban doonin.”

Wasiirka ayaa shirkadahaas uga digay arrinta ay ku kaceen iyo kuwa kale ee isku-daya in dukumentiyo been abuur ah kusoo xareystaan tartan muhiim ah oo noocaan oo kale ah, “Wixii ay muteysan doonaan gadaal ayaa ka sheegi doona shirkadaha been abuurka kusoo dalbaday.”

Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa kal hore soo bandhigay shuruudaha laga rabo shirkadaha soo xareysanaya tartanka adeegga Xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka koobna dhowr iyo toban qodob oo ay ugu horeyso in Milkiilayaasha shirkaddaha ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Shuruudahaas ayaa waxaa ugu muhiimsana in shirkadaha soo xareysanaya tartankaan ay yihiin kuwa ka diiwaan-gashan wasaaradda ganacsiga iyo wasaaradaha oo haysta shatiga wasaaradda oo aan dhacsaneyn iyo diiwaankooda hay’adda IATA.