DF oo faah-faahisay weerarkii Al-Shabaab ee Daaru Nimca

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Daaru Nimca oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

General Biixi ayaa ayaa qiray in Al-Shabaab ay mar dambe u suuragashay inay gudaha u galaan qayb ka mid ah magaalada, waxaana uu tilmaamay inay kadib dileen dad shacab ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in xerada la weeraray ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, balse ay gurmad ka heleen ciidanka Xoogga dalka.

“Xabaddu markii ay muddo hal saac ah socotay khasaare badana loo geystay waxaa u suuroobay iyaga inay magaalada dhinac gees ah kasoo galaan oo halkaas dad shacab ah oo guryahooda jooga ku laayaan, laakiin nasiib wanaag waxaa ku soo gaaray ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gurmad ah,” ayuu yiri Taliye Maxamed Tahliil Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii dambe dagaalka lagu jabiyay xoogagii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayna ka tageen meydad, hubna laga qabsaday.

“Intaas kadib ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamadii deegaanka oo isla socda ayaa baacsaday, halkaas meydad ayey uga tageen, hubna waa looga qabsaday khawaarijta, aadbaana loo xasuuqay, loona baabi’iyay,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhimashada ayuu xaqiijiyay inay gaareyso illaa 27 dagaalyahan, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana Daaru Nimca haatan gacanta ku haya ciidamada huwanta, sida uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka.

“Hadda waxaa magaalada Daaru Nimca gacanta ku hayo ciidanka deegaanka iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu markale yiri taliyaha ciidanka dhulka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday inay ku dishay ugu yaraan illaa 20 askari, isla-markaana ay ku dhaawacday 10 kale.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi kusii dartay inay gudaha u gashay xerada, isla-markaana ay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda

Si kastaba, mudooyinkii u dambeeyay ayaa kooxda Al-Shabaab waxay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.