Aqriso: Guddiga tartanka shirkadaha xajka ee dalka oo shuruudo adag soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ee dhawaan uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo shirkadaha doonaya u tartamida u adeega Xujeyda Soomaaliyeed.

Shuruudahan uu soo saaray guddiga oo ka adag kuwii sanadihii hore ayaa waxaa loo dhigay shirkadaha doonaya inay bixiyaan adeega Xajka ee sanadkaan, ayada oo tartankaan uu ku eg yahay maalinta Axad ee ku taariikheysan 12-ka March 2023-ka.

Shirkadaha doonaya iney u tartamaan u adeegida Xujeeyda Soomaaliyeed ayay guddiga hor dhigeen inay soo buuxiyaan sharuudo dhowr iyo toban qodob ka kooban oo ay ugu horeyso in Milkiilayaasha shirkaddaha ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Shuruudahan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah in Shirkada iyo Milkiiliyaasheedu yihiin dad sumcad leh, maxkamadna aysan ku ridin xukun ciqaabeed kama danbeys ah 5-tii sano ee u danbeysay, islamaarkaana soo gudbiyaan warqadda danbi la’aanta maamulaha shirkadda ee CID-da.

“Waa in Shirkadda leedahay khibrad la xiriirta Adeegyada Xajka & Cumrada ugu yaraan laba sano oo khibrad ah. Shirkad, Wakaalad iyo Xamlad walba oo daneyneysa Adeegga Arrimaha Xajka waa in ay ogoshahay bixinta lacagta dhigaalka ah (Deposit).”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Shirkadu waa in ay ka diiwaan-gashan tahay hay’adda IATA, soona gudbiso Code Number-keeda ama ay keento warqad wada-shaqeyn shirkad ka diiwaan-gashan IATA laguna cadeeyay Code Number-ka (IATA), (ayaatta).”

Guddigan Xajka ee uu magacaabay Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa dhawaan waxaa ka dhashay khilaaf xoogan oo ku saabsan hufnaantooda, inkasta oo markii dambe ay soo fara-geliyeen madaxda sare khilaafkaas oo u dhaxeeyay wasiirka iyo ku-xigeenkiisa, lana xaliyay.

Hoos ka aqriso shuruudaha uu soo saaray guddiga oo dhameystiran: