Soomaaliya iyo dalal kale oo digniin kasoo saaray biyo-xireenka Ethiopia ee NILE

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirrada arimaha dibbada ee dowladaha Jaamacadda Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa si adag uga digay biyo xireenka halka dhinac ee ay dowladda Itoobiya ka waddo wabiga Nile-ka.

Bayaan laga soo saaray shirka wasiiradan ayaa waxaa lagu sheegay in biyo xireenka Itoobiya uu khatar weyn ku yahay ku tiirsanaan Masar ee webiga, taasi oo sii xoojineysa dooddii xukuumadda Qahira ee xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

“Jaamacadda Carabtu waxay sii wadi doonta inay la xiriirto dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta.”

Wasiirrada arimaha dibbada ee dowladaha Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waxay muujiyeen sida ururkooda diyaarka ugu yahay inay difaacan danaha dalalka Carabta ah.

“Urur ahaan waxaa dejinay aragtiyo ku saabsan xiisadda ka taagan Ukraine, hubka nukliyeerka, isbeddelka cimilada, iyo arrimaha dalalka Carabta.”

Bayaankan ayaa imanaya xilli ay dowladda Masar ay doonayso inay dalalka Carabta ku qanciso in Itoobiya ay aqbasho “heshiis sharci ah” oo ku saabsan buuxinta biyo xireenka wabiga Nile-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Sameh Shoukry oo ka hadlayay shirka Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa sheegay inuu doonayo “in dalalka Carabta ay ku cadaadiyaan Itoobiya inay aqbasho mid ka mid ah xalalka tanaasulka ah ee lagu soo bandhigay miiska wada xaajoodka arrintan.”

Itoobiya ayaa biyo xireenka ka dhiseysa webiga Nile-ka, taasi oo Masar ay ka cabsi qabto xaddidaad dheeri ah oo ku timaadda biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo dadkeeda oo 100 milyan ka badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Wabiga Niilka Buluugga ah ayaa ah isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda nadiif ah.