Maamulka Cagjar oo jawaab jees-jees ah siiyey Somaliland

Jigjiga (Caasimada Online) – Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa jawaab ka bixisay eedyentii ka timid Somaliland ee aheyd in ciidamada maamulka ay ka qeyb-galayaan dagaalka magaalada Laascaanood.

Shir ay shalay yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

“In gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, ciidamada kala duwan ee ay dawladuhu u soo tababareen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulanka kulanka Golaha Wasiirada Somaliland.

Hase yeeshee dowladda deegaanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Somaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Somaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.”

Ugu dambeyn dowladda deegaanka ayaa tiri “Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Somaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Somaliland.”