Somaliland oo waji kale u yeeshay dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayada oo sheegtay in shaqaaqooyinka gobolkaasi laga leeyahay burburinta dimuquraadiyadda iyo nidaamka doorashada ee Somaliland.

“26 illaa 28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland.

Xukuumadda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ujeedka dagaalka Laascaanood iyo xiisadda ka taagan guud ahaan gobolka Sool aysan ka madhneyn wiiqida dagaalka ay Somaliland kula jirto argagixisada, burcad baddeeda iyo in meesha laga saaro nabadda ay sanadaha badan kusoo caano maashay, sida lagu yiri qoraalka.

“Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wada hadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.”

Sidoo kale waxay ku boorisay in shacabka Somaliland iyo hay’addaha Caalamiga ah in ay sii xoojiyaan taakulada bini’aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo ay sheegtay in xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

Somaliland ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay iska soo daba saareysay qoraalo ay ku sheegayso in dagaalka socda laga leeyahay qorshe looga soo horjeedo jiritaankeeda iyo nabad-gelyadeeda.

Xukuumadda ayaa dagaalkan ku eedeysay dhinacyo badan inay qeyb ka yihiin, taasi oo ay ugu dambeysay “in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida islamarkaana kasoo tallaabaday dhanka xadka ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood.”

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa qaatay muddo bil ah, kaasI oo ay ku dhinteen dad badan shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale.