Daawo: Ciidamo uu Turkiga tababaray oo kusoo biiraya dagaalka kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odawaa Yuusuf Raage ayaa shalay tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababarn ee Gorgor, kuwaas oo ay tababartay dowladda dalka Turkiga.

Ciidamadan oo ka tirsan Guutada 17-aad ee Gorgor ayaa tababarka ku qaatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dugsiga tababarka ee dowladda Turkiga ee ku yaalla caasimada.

Taliye Odawaa oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tababarka ciidamadan cusub ayaa u mahadceliyay taliyeyaasha dugsiga ee tababarka siiyay askartaasi Soomaaliyeed.

“Waxaa rabaa inaan u mahadceliyo taliyeyaasha dugsiga oo runtii laf-dhabar u ah fulinta iyo hirgelinta dhammaan shaqooyinka muhiimka ah ee halkan ka qabsoomay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu aad u amaanay dowladda Turkiga, isaga oo sheegay inay door lixaadleh ka qaaday dib u dhiska qaybaha kala duwan ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Odayaa ayaa xusay in dadaalka iyo garab istaagga Turkigga uu muhiim u yahay howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Waxaan rabaa sidoo kale inaan u mahadceliyo dowladda Turkiga oo xaqiiqatan, haddii aan iyaga ahaan laheyn aanay hirgeleen dhammaan howlaha nooga hirgalay dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, dib u xoreynta dalka iyo dib u xoreynta Khawaarijta guud ahaan oo dadka Soomaaliyeed ciriiri ku haaya,” ayuu markale yiri taliye Odawaa.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray ciidamada tababarka loo soo xiray, isaga oo dalbaday inay u diyaar garoobaan sidii ay wax uga beddali lahaayeen dagaalka Al-Shabaab.

“Aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay in tababarkiina uu idin soo gabagaboobo, kuna biirtaan ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, isbeddalka socdana aad horay usii wadi doontaan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliyaha ciidamada Xoogga dalka.