DF iyo maamullada oo soo saaray go’aanno aysan qeyb ka aheyn Puntland

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland uga socda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo u dhaxeeyay taliyayaasha Booliska dowlad-goboleedyada dalka iyo taliska guud ee Booliska federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha Booliska xiriirka dibadda ee INTERPOL in uu noqdo mid gaar u ah Booliska Heer Federaal.

“7-9 March 2023 waxaa magaalada Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland lagu soo xiray shirka Madasha Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo Taliyaasha Booliska ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo Saddexdii Bilood hal-mar la qabto ayaa waxaa la iskugu raacay in mashruuca wadajirka Booliska ee JPP wajiga 2-aad loo magacaabo guddi farsamo oo labada heer ee DF iyo dowlad-goboleedyad.”

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb-galin dowlad-goboleedka Puntland oo ayadu hore ugu dhawaaqday inay u dhaqmi doonto sidii dowlad madax-banaan oo kale.

Go’aamada kasoo baxay madashan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay inay isku raaceen in gunooyinka ka imaanayay mashruuca wadajirka Joint Police Program (JPPG) ee la siinayay ciidanka Booliska dowladdaha xubnaha ka ah DF la sii joogteeyo bixinteeda.

“Madashu waxay isku raaceen in arrimaha khuseeya dhaqan-celinta xubnaha isa-soo dhiibay ee horay uga tirsanaa Al-Shabaab in lasii wado hawsha socota iyo dhaqaalo u raadinta xarumaha kale ee dowladdaha xubnaha ka ah DF, islamarkaana caruurta la ciidameeyo lala kaashado hay’addaha UNICEF ee QM.”

Madasha Wadatashiga Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo Ciidanka Booliska heer federaal iyo dowlad-goboleedyada ayaa sidoo kale isla qaatay in Booliska dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay yeeshaan unnuga baarista dembiyada.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran: