Koox gacan saar la leh Daacish oo 36 qof ku dilay…

Kinshasa (Caasimada Online) – Milateriga dalka Congo ayaa sheegay in ugu yaraan 36 qof ay dileen kooxaha xagjirka ah ee dalkaas ka dagaalama, kadib weerar ay ka geysteen dhinaca bari ee jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Congo ayaa sheegay in kooxda lagu magcaabo Xoogagga Isbahaysiga ee Dimoqraadiga ah oo gacan saar laleh kooxda ISIS inay ka dambeeyeen weerarka lagu dilay dadka rayidka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkani ka dhacay Bashu, halkaas oo kooxda weerarka soo qaaday ay dileen 36 rayid ah, halka ay gubeen qaar ka mida guryihii halkaas ku yaallay.

Xaaladda dhinaca bari ee Congo ayaa beryahanba ahayd mid cakiran, waxaana halkaas ka dagaalama illaa 120 kooxood oo ku loollamaya awoodda deegaankaas, khayraadka halkaas ku jira iyo weliba qaarkood oo u dagaalamaya inay ilaaliyaan bulshooyinkooda.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ciidamadan mucaaradka ah ee la magac baxay Isbahaysiga Xoogagga Dimoqraadiga ah ku eedeeyey inay ku kaceen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida Kufsi, afduub iyo dilal.

Maraykanka ayaa bishan bilawgeedii ku dhawaaqay inuu abaal marin $5 milyan ah siinayo ciddii macluumaad ka keenta hoggaamiyaha kooxdan Seka Musa Baluku.