Sawirro: Diyaarad ku burburtay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online)Shil diyaaradeed ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku burburtay diyaarad sida dad shacab ah, sida ay muujinayaan xog iyo sawirro ay heshay Caasimada Online.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay diyaaradda shilka gashay ayaa waxa ay u kireysneyd shirkadda Jubba Airways, balse waxay ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.

Dhammaan 36 qof oo saarnaa diyaarad oo nooceedu yahay Fokker 50 ayaa barbaaday, balse diyaaradda ayaa gebi-ahaan burburtay.

Diyaaraddan ayaa sumaddeedu tahay 5Y-JXN. Diyaaradda ayaa kasoo kacday magaalada Baydhaba, waxayna cillad la kulantay waxyar kahor intii aysan soo degin garoonka diyaaradaha.

Ilaa hadda si sax ah looma oga waxa sababay ciladda, mas’uuliyiinta garoonkana waxay sheegeen inay baaritaan wadaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay shilka gashay, xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha garoonka, waxaana ka dhashay dab xoogan oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, balse burburiyey diyaaradda

Garoonka Aadan Cadde ayaa kadib shilkan xirmay muddo kooban, hase yeeshee hadda dib u howl billaabay waxaan kasoo degay kana kicitimay dhowr diyaarad markii shilkan uu dhacay kadib.

Faah-faahinta: kala soco Caasimada.net.