27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Shir u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka oo ka furmay Villa Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya si rasmi ah uga furmay shir gaar ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ku yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad u diray xubnaha mucaaradka, kadibna iyaguna ay aqbaleen, si looga wada-hadlo khilaafka dhexdooda ah ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka.

Mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diidan qorshaha Xasan Sheekh ee la xiriira qof iyo cod, waxayna in muddo ah shaki ka muujinayeen qaabka uu wax ku wado, maadaama aan heshiis lagu ahayn hanaanka doorashooyinka 2026.

Sidoo kale qodobada ay mucaaradka kala hadlayaan Xasan Sheekh waxaa kamid ah wax ka bedelka ku socda dastuurka, waxaana u qorsheysan in Madaxweynaha ay ku xujeeyaan in dastuurkii hore uu u laabto, sida aan xogta ku heyno.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa doonaya inay dalbadaan in la kala diro guddiga doorashooyinka oo kalsooni darro weyn ay ka qabaan, sidoo kale Xasan Sheekh ay ka dhaadhiciyaan inuu qabto doorashooyin heshiis lagu yahay.

Xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa sidoo kale Madaxweynaha hordhigi doona xujo ah inuu keeno maamullada maqan ee Puntland iyo Jubbaland oo mar hore uu xiriirkooda lumiyey, si looga wadahadlo heshiisna looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee madashaan ku midoobay ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku yeeshay kulamo is dabajoog ah, waxayna ugu dambeyn xalay go’aan ku gaareen in qodobo ay igu mihiimsan yihiin kuwaan ay ula tagaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaaminaya mucaaradka oo kulamadii ugu dambeeyey ku yeeshay guriga uu ka degan  yahay magaalada Muqdisho.

Mucaaradka oo horay u diiday gogoshii Madaxweynaha ee Muqdisho lagu qabtay ayaa hadda ogol inay Xasan Sheekh la yeeshaan kulan uu ka dalbaday gogoshii kadib.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya in mucaaradkiisa uu ku qanciyo in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, maadaama ayaguba ay cadeeyeen in doorasho dadban in loo noqdo aysan dooneyn.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo Garoowe ku shiraya ayaa dhankoodu ku howlan inay soo saaraan bayaan rasmi ah oo muujinaya inay awoodooda mideeyeen, isla markaana ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida ay wax u doonayaan.

Si kastaba, Shirka maanta u furmay Xasan iyo mucaaradka ah ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Madasha Samatabixinta looga dhawaaqay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, waxaana madasha ay horay u soo saartay war-murtiyeed ay ku dalbaneysay in Madaxweynuhu ka laabto dastuurka la beddelay iyo in laga heshiiyo doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News