Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa baajisay shirkii golaha wadatashiga qaranka, iyadoo shaacisay sababta, shirkaas ayuu qorshuhu ahaa in la qabto 22-ka bishaan oo labo maalin oo kaliya ay ka hartay.
Qoraal lagu baahiyey Telefishinka Dowladda ayaa lagu sheegay in 15-ka bisha dambe ee July uu qabsoomi doono shirkaas.
Sababta loo baajiyey shirka Golaha waxaa lagu sheegay dabaaldegga toddobaadka xoriyadda.
“Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaa,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa muddooyinkii dambe aad loo dhaliilsanaa, maadaama ay seysteen hal xisbi oo madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo.
Golaha waxaa horay uga maqnaa madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, waxaana la saluugay go’aanadooda, maadaama intii soo hartay ay noqdeen hal xisbi siyaasadeed.
Shirka ugu soo horeeya ee Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa la horgeynayaa talooyinkii ka soo baxay gogoshii uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu horay u balanqaaday.
Dhameystirka Dastuurka ayaa ka filayaa in shirka soo socda ee golaha aad loogu falanqeeyo, maadaama talooyin ay ku darsadeen siyaasiyiintii lagu casuumay golaha, war-murtiyeedkii ka soo baxay gogoshana lagu sheegay in dib loo eegayo shaqadii socotay ee dastuurka.