25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Shirkii Madasha oo la isku mari la’yahay shan qodob oo uu wato madaxweyne Xasan (Aqriso)

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii madasha wada tashiga oo si toos ah hadda uga socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa la isku mari la’yahay qodobo dhowr ah.

Shirka oo saaka furmay ayaa waxaa lagu falanqeeyay qodobo dhowr oo la xiriira hab maamuuska doorashada la filaayo in aay dalka ka dhacdo bisha September ee sanadkan 2016.

Haddaba wariyaha Caasimada Online oo ku sugan goobta shirka uu ka soo socda ayaa soo warinaya in ay jiraan shan qodobo oo laysku mari waayay kuwaas uu soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobadan hoos ku qoran ayaa waxaa ku ayiday Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan, halka Axmed Madoobe iyo Cabdi wali Gaas aay diidmo qayaxan kala hor yimaadeen qodobadaas, oo kala ah:-

  1. In go’aanada ka soo baxa golaha madasha qaran la hor geeyo baarlabamana Soomaaliya, si aay u ansixiyaan
  2. In heshiiskii Garoowe la hor geeyo baarlamaanka si aay u ansixiyaan
  3. In Guddiga doorashooyinka qaranka looga danbeeyo hab maamuuska iyo maamulka doorashooyinka 2016.
  4.  In looga danbeeyo oday dhaqameedyada soo xulitaanka xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose
  5. In lagu soo koobo 15 qofood oo kaliya inay soo xulaan xildibaanada labada gole, halka Gaas iyo Madoobe ay rabaan in tiradaas laga dhigo 50.

War murtiyeedka ka soo bixi doona shirkan madasha oo aay uu soo diyaariyay xafiiska wakiilka qaramada midoobay Michael KeatKeating, oo wariyaha Caasimada Online uu akhriyay ayaa waxaa ku qoran arrimo dhowr ah oo aay ku jiraan kuwa kor ku xusan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu si aad ah uga biyo diidsan yahay heshiskii Garoowe, isla markaana qorsheeynaya in heshiiskaas lagu soo diido baarlamaanka Soomaaliya, si aanu u dhaqan gelin, waxaana fekerkan la qabo guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Inta badan khubarada ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in Madaxweynaha uu rabo in uu daahiyo habsi u socodka doorashada si uu u helo muddo kororsi inta ka horreysa Sept 2016.

R/W CC ayaa la filayaa in uu berri u socdaalo wadamada Imaaraadka iyo Turkiga, waxa uuna welwel badan ka qabaa in shirkan madasha uu fashilmo.

Wixii soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa, Insha Allah.

shirka-madasha-5 shirka-madasha-2 shirka-madasha-1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News