Beledweyne (Caasimada Online) – Shir albaabada u xirnaayeen oo dhex maray ugaaska beesha xawaadle oo aay wehliyaan siyaasiyiinta, xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo idlaaday guul darro.
Madaxweynaha ayaa Beledweyne u tagay in reer Hiiraan lagu qanciyo in aay ogolaadaan sii socoshada shirka maamul u sameynta gobolada Sh. Dhexe iyo Hiiraan.
Codsiga madaxweynaha ayaa lagu xiray shuruudahan soo socda
1. In aay dowladda federaalka ah aay ogolaato in Hiiraan laga dhigo laba (2) Gobol
2. In shirka maamul u sameynta uu noqdo mid aay ku bahoobeen seddex gobol oo aanan ahayn labada gobol ee Hiiraan & Sh. Dhexe
3. In sida sharciga iyo dastuurka uu qabo loo madaxbannaaneeyo maamulada sameysmaya in aay iyaga howshooda wataan oo laga daayo faragelinta aay dowladda federaalka ah ku hayso gaar ahaan midda wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxman Odowaa
4. In laga hormariyo maamul u sameynta Seddexda gobol maamul buuxa oo la sameeyo Gobolka Banaadir si walaalaha dega aay u helaan fursad aay kaga mid noqdaan maamulada jira, maadaama aay Banaadir degen yihiin dad kor u dhaafay 2.5 milyan.
Madaxweyne Xasan ayaa ka biyo diiday dhammaan shuruudahaas, waxaana uu shirka ku soo dhamaaday guul darro.
Caasmida Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]m