Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madaxtooyada Soomaaliya uga socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo dhammaaday.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aysan dhinacyadu gaarin wax heshiis ah.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo kasoo dareeray Villa Somalia ayaa haatan usii socdo shir gaar ah oo ay leeyihiin, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow xubnaha mucaaradka.
Shirka mucaaradka ayaa ujeedkiisu yahay sidii ay war kama dambeys uga soo saari lahaayeen dalab cusub oo Madaxweynuhu soo gudbiyay, kaddib shirkii saacadaha badan socday ee aanan wax natiijo ah laga gaarin.
Kulanka maanta oo lagu waday in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka cutubka afraad ee Dastuurka, ayaa isna la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.
Si kastaba, Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn, taas oo aan suurta-gelin sida muuqata.