25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DEG DEG : Taabit Cabdi oo loo doortay gudoomiyaha gobalka Banaadir ee labadda sano soo aadan 

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online): Doorasho caawa ka dhacday Xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

17-ka Guddoomiye ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmooyinka ayaa Guddoomiye Taabid Cabdi u doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, labada sano ee soo socota.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 70 xubnood oo isugu jira Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xubnaha golaha deegaanka degmooyinka inay ku codeeyeen doorasho gacan taag ah.

Arrintan ayaa sii xoojineysa xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir, taasoo maalmihii la soo dhaafay cirka sii galeysay, taasoo ka dhalatay arrinta Maqaamka Caasimadda.

Wixii kusoo kordha la soco

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News