Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu laba markab oo ka mid ah kuwa xambaara hubka nukliyeerka geyn doono “goobihii ku habboonaa,” isagoo u jawaabaya hadallo dhowaan ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev. Tallaabadan ayaa sii hurinaysa xiisadda kala dhaxeysa Moscow, xilli uu Mareykanku cadaadis saarayo Ruushka si uu u soo afjaro dagaalka Ukraine.
Trump, oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social maalintii Jimcaha, ayaa dhaliilay Medvedev, kaasoo horraantii toddobaadkan sheegay in hanjabaadda cunaqabataynta cusub ee uu Trump ku dhawaaqay ay tahay “tallaabo dagaal loo qaaday.”
“Anigoo ka duulaya hadallada daandaansiga ah ee ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, oo hadda ah Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Amniga ee Federaalka Ruushka, waxaan amray in laba gujis oo kuwa nukliyeerka xambaara ah la geeyo goobihii ku habboonaa, si looga digtoonaado haddii ay dhacdo in hadalladan nacasnimo iyo kicin u muuqda ay dhab noqdaan,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.
“Erayadu waa muhiim, waxayna inta badan keeni karaan cawaaqib aan la filayn. Waxaan rajaynayaa inaysan tani noqon mid ka mid ah dhacdooyinkaas,” ayuu Trump sii raaciyay.
Aqalka Cad ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi loo diray oo lagu weydiistay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.
Mareykanku wuxuu si joogto ah badda ugu hayaa gujisyada istiraatiijiga ah ee sida gantaallada ballistic-ga ah ee madaxyada nukliyeerka ku rakiban yihiin, waana qayb ka mid ah awooddiisa ka-hortagga nukliyeerka.
Medvedev, oo horey u soo noqday madaxweynaha Ruushka, ayaa muddo dheer caan ku ahaa hadallo daandaansi iyo cabsi gelin ah oo uu baraha bulshada iyo wareysiyada kaga weeraro madaxda Ukraine iyo saraakiisha reer Galbeedka ee taageera Kyiv. Si kastaba ha ahaatee, hadalladiisa ma laha miisaanka iyo saameynta kuwa Putin.
Trump ayaa bilihii la soo dhaafay ku hanjabayey inuu cunaqabatayn cusub saari doono Ruushka, isagoo muujinaya inuu sii nacay Putin. Wuxuu ku dhaliilay hoggaamiyaha Ruushka sii wadidda dagaalka Ukraine, inkastoo uu Trump isagu sheegay inuu doonayo in la soo afjaro colaadda.
Horraantii toddobaadkan, Trump wuxuu sheegay inuu siin doono Putin 10 ilaa 12 maalmood oo uu ku gaaro xabbad-joojin uu la galo Ukraine, haddii kalena uu wajahayo cunaqabatayn dheeraad ah — taas oo gaabinaysa muddadii hore loo sheegay ee ahayd 50 maalmood.
“Trump wuxuu Ruushka la ciyaaraya ciyaarta digniinta kama dambaysta ah: 50 maalmood ama 10… Wuxuu xusuusan yahay laba arrimood: 1. Ruushku maaha Israa’iil ama xitaa Iiraan. 2. Digniin kasta oo cusub waa hanjabaad iyo tallaabo dagaal loo qaaday. Ma aha arrin u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine, balse waa mid ka dhan ah dalkiisa,” ayuu Medvedev Isniintii ku qoray bartiisa X.
Trump ayaa uga jawaabay isagoo Medvedev ku tilmaamay “Madaxweynihii hore ee fashilmay ee Ruushka,” wuxuuna uga digay inuu “erayadiisa iska ilaaliyo,” isagoo intaa ku daray, “Wuxuu galayaa dhul aad u khatar badan!” Maalintii Khamiista, Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu qorsheynayo inuu sii wado cunaqabataynta, balse wuxuu carrabaabay inuusan aaminsanayn in taasi celin doonto Putin.
“Ma rumaysni in cunaqabatayntu wax u dhimeyso,” ayuu yiri Trump.