Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda Iran ee Tehran in ay si degdeg ah u baxaan, isagoo taageero u muujiyay digniinta Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo bilaabay weerar ballaaran oo ka dhan ah Iran.
Trump ayaa farriintan ku qoray bartiisa Truth Social isagoo ku sugnaa shir-madaxeedka G7 ee Canada, wuxuuna ku celiyay eedeyntiisii hore ee ahayd in Iran ay isku sababtay weerarada Israa’iil, kaddib markii ay ka dhega-adaygtay baaqiisa ahaa in ay saxiixdo heshiis lagu joojinayo barnaamijkeeda nukliyeerka.
“Waa nasiib-darro iyo khasaare naf badan,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa. “Si cad waxaan u leeyahay: IRAN MA LAHAAN KARTO HUB NUKLIYEER AH. Waxaan sidaas ku celiyay marar badan! Qof walba waa inuu si degdeg ah uga baxaa Tehran!”
Trump faahfaahin intaas dheer kama bixin hadalkiisa. Magaalada Tehran waxaa ku nool ku dhowaad 10 milyan oo qof.
Digniinta Trump ayaa ku soo beegmeysa xilli Israa’iil ay kordhisay weerarada ay ka wado gudaha Iran, kuwaasoo ay sheegtay in lagu bartilmaameedsanayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee muranka badan dhaliyay ee dowladda ruuxiga ahi waddo.
Ciidanka Israa’iil ayaa horey u soo saaray digniin gaar ah oo ku socotay xaafad ka mid ah Tehran, taasoo la mid ah xeeladihii ay horey uga adeegsadeen Marinka Gaza, halkaasoo ay tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 ku barakicisay inta badan shacabka Falastiiniyiinta.
Trump ayaa dhowr jeer ka gaabsaday inuu si cad u sheego in Mareykanku ka qayb qaadan doono weerarada Israa’iil, inkasta oo uu tilmaamay in Mareykanku uusan lug ku lahayn duqeymihii hore.
Intii lagu guda jiray shir-madaxeedka G7 oo lagu wado inuu soo xirmo Talaadada, Trump ayaa warbaahinta u sheegay: “Markaan ka tago halkan, waxaan qaban doonaa wax muhiim ah. Laakiin marka hore waa inaan baxaa.”
Fiidnimadii Isniinta, Trump ayaa si lama filaan ah uga dhoofay Canada isagoo ka tagaya shirkii G7 hal maalin ka hor intii la qorsheeyay.
“Madaxweyne Trump wuxuu ku qaatay maalin wax ku ool ah shir-madaxeedka G7, isagoo saxiixay heshiis ganacsi muhiim ah oo uu la galay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer,” ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, oo qoraal ku baahisay baraha bulshada.
“Wax badan ayaa la gaaray, balse sababo la xiriira xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe, Madaxweyne Trump wuxuu ka tagayaa shirka caawa kadib cashada madaxda.”
Digniinta Madaxweyne Trump ee ku socota shacabka Tehran ayaa imaneysa xilli Mareykanka uu kordhinayo joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe si uu u xoojiyo “heegankiisa difaaceed,” sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth.
“Dhammaadkii usbuuca, waxaan amray in awood milatari dheeraad ah loo raro aagga mas’uuliyadda Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM),” ayuu Hegseth ku qoray barta X. “Ilaalinta ciidamada Mareykanka waa mudnaanta koowaad, waxaana tallaabadan ujeedkeedu yahay in la xoojiyo awooddaheena difaaceed ee gobolka.”