27.9 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Trump oo xayiraad socdaal ku soo rogay Soomaaliya iyo 18 dalal oo kale + Liiska

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fiidkii Arbacada saxiixay amar madaxweyne oo dib u soo nooleynaya siyaasaddii xayiraadda socdaalka ee muddado xileedkiisa hore, taasoo mamnuuceysa muwaadiniinta illaa 12 dal inay soo galaan Mareykanka.

Waddamada xayiraadda cusub la saaray waxa ay kala yihiin: Afghanistan, Burma, Chad, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.

Xayiraaddan oo dhaqan galeysa saqda dhexe ee Isniinta (12:01 a.m.), waxaa la socda xaddidaadyo dheeraad ah oo lagu soo rogay muwaadiniinta ka imanaya Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad, waddamada si buuxda looga mamnuucay inay galaan Mareykanka ayaa lagu tilmaamay kuwo “ku fashilmay nidaamyada baaritaanka iyo xaqiijinta amniga, isla markaana loo arkay inay halis sare ku yihiin ammaanka Mareykanka.”

“Waa in aan qaadaa tallaabo lagu difaacayo amniga qaranka iyo danaha shacabka Mareykanka,” ayuu Trump ku sheegay bayaankiisa rasmiga ah.

Trump oo aad u weeraray Soomaaliya

Trump ayaa si adag u dhaliilay awoodda amni iyo maamul ee gudaha Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dowlad aan si buuxda u shaqeyn, awood la’aan ay u leedahay xakamaynta dhulkeeda, iyo nuglaanta ay u leedahay khataraha argagixisada.

“Soomaaliya ma laha maamul dhexe oo karti leh ama lala shaqeyn karo oo bixisa baasaboorrada ama dukumentiyada madaniga ah, sidoo kalena ma laha nidaam sugan oo lagu baaro laguna hubiyo dadka,” ayuu yiri Trump.

Wuxuu intaas ku daray: “Soomaaliya waxay si gaar ah uga duwan tahay dalalka kale marka loo eego heerka ay dowladdu uga liidato xakameynta dhulkeeda, taasoo si weyn u wiiqeysa waxtarka awoodaha qaranka.”

Trump wuxuu dalka ku sifeeyay isha joogtada ah ee khataraha argagixisada, isagoo xusay in dagaalyahanno xagjiriin ah ay dhulka Soomaaliya u adeegsadaan “inay qorsheeyaan, fududeeyaan, islamarkaana fuliyaan howlgaladooda.”

Wuxuu sheegay in Soomaaliya weli tahay “goob ay u safraan shaqsiyaad doonaya inay ku biiraan kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah amniga qaranka Mareykanka.”

Trump wuxuu sidoo kale si kulul u dhaleeceeyay diidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan aqbalaadda muwaadiniinta laga masaafuriyo Mareykanka, taasoo uu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee xannibaadda socdaalka.

“Sidaas darteed, soo gelitaanka muwaadiniinta Soomaaliya ee Mareykanka, ha ahaadeen muhaajiriin ama kuwa aan muhaajiriin ahayn, si buuxda ayaa loo joojiyay.”

Liiskan waddamada xayiraadda waxaa lagu saleeyay amar fulineed uu Trump bixiyay 20-kii Janaayo, kaasoo farayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Amniga Gudaha, iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka in ay soo saaraan warbixin ku saabsan “aragtiyo cadawtinimo” oo ay waddamo qaar u qabaan Mareykanka, iyo haddii muwaadiniinta ka imanaya dalalkaasi ay khatar amni ku yihiin dalka.

Beesgiga dalalka Muslimiinta 

Intii uu socday muddo xileedkiisa koowaad ee madaxweyne, Trump ayaa bishii Janaayo 2017 soo saaray amar mamnuucaya socdaalka muwaadiniinta toddobo dal oo Muslimiin u badan — Iraq, Suuriya, Iran, Suudaan, Libya, Soomaaliya iyo Yemen — inay soo galaan Mareykanka.

Amarkaas wuxuu horseeday jahwareer iyo muran baahsan, iyadoo safarayaal ka kala yimid dalalkaas laga celiyay diyaaradaha ama lagu xannibay garoomada diyaaradaha ee Mareykanka. Dadka uu saameynta ku yeeshay waxay ka mid ahaa arday, macallimiin, ganacsato, dalxiisayaal, iyo dad qoysaskooda booqanayay.

Amarkan, oo si weyn loogu yaqaan “xayiraadda Muslimiinta” ama “xayiraadda socdaalka,” ayaa marar badan lagu cabbiray maxkamadaha, ilaa ugu dambeyn nooc wax laga beddelay ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ansixisay sanadkii 2018.

Xayiraaddii Maxkamaddu ansixisay waxay saameysay noocyo kala duwan oo socdaalayaal iyo muhaajiriin ah oo ka imaanayay Iran, Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Libya, iyo sidoo kale muwaadiniinta Waqooyiga Kuuriya iyo saraakiil ka tirsan dowladda Venezuela iyo qoysaskooda.

Trump iyo taageerayaashiisa ayaa xayiraadda ku difaacay sababo amni qaran awgood, iyagoo ku dooday in ay la xiriirtay ilaalinta dalka, balse aanay ahayn mid si gaar ah loola beegsaday Muslimiinta. Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu ololihiisii doorashada ku baaqay in la mamnuuco Muslimiinta oo dhan inay soo galaan Mareykanka — hadal si weyn loo dhaliilay.

Madaxweynihii hore Joe Biden, oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan islamarkaana beddelay Trump, ayaa xayiraadda socdaalka laalay sanadkii 2021, isagoo ku tilmaamay “dhibic madaw oo ku taal damiirka qarankeena.”

- Advertisement -

Read more

Local News