Gaalkacyo (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaaray Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo sarkaal kale oo ka tirsan Ciidanka Puntland.
Wasiirka ayaa waxa uu ku dhaawacmay is rasaaseyn dhexmartay ilaalada Taliyaha Birmada maamulka Puntland Cismaan Afdalow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdirisaaq Afgaduud.
Wasiirka ayaa ku sugnaa kulan ka dhacaayay xarunta ciidanka Birmadka ee Bosaso, waxaana la sheegayaa in rasaasta ay bilaabatay kadib markii ay hadal isku khilaafeen Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) iyo Taliyaha ciidanka Booliska Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf, iyadoo murankaasi uu sababay is rasaaseyn dhexmartay labada Ciidan Wasiirkuna uu sidaa dhaawac kusoo gaaray.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka uu isku dayay inuu ku baxo is rasaaseynta, balse goortii uu madaxa banaanka u saaray ay haleeshay rasaasta.
Sidoo kale, israsaaseynta ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Lix askari kuwaasi oo iminka la dhigay Isbitaalka Boosaaso.
Dhaawaca wasiirka ayaa isagana la sheegayaa in la dhigay Isbitaalka Boosaaso.
Xaalada ayaa ah mid iminka degan, waxaana labada Ciidan kala dhexgalay Ciidamo kale.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

