Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo xoogan oo ay maanta kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Weerarkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday xerada ADC ee degmada Baardheere, halkaas oo ay sidoo kale gudaha u galeen rag hubeysan.

Dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ragga weerarka qaaday ayaa ka dhacay gudaha degmada, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xerada la weeraray ayaa waxaa tababar lagu siinayay ciidamo gaar ah oo loo diyaarinayay xoreynta deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya im weerarkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiiyay waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeem in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

Si kastaba, Baardheere ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan Gedo iyo Jubbooyinka.