Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadda xilli uu dagaalka marayo meel xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Safarkan ayaa ku yimid kadib casuumaad uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada-hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo argagixisada.

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Safarka madaxweynaha oo yimid xilli xasaasi ah

Safarka madaxweynaha ee Turkiga ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo iyadu shalay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo qiyaastii 40 km koonfureed kaga beegan degmada Cadale, halkaas oo shalay uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa madaxweynaha, uuna kasoo laabtay shalay.

Qabsashada kooxda ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay degmada isaga baxeen, kaddib weerar aroornimadii hore ee shalay ku bilowday qaraxyo, sida wararku sheegayaan.

Xaaladda amni ee Sh/Dhexe ayaa laga deyrinayaa, iyadoo go’aanka madaxweynaha ee ku aaddan soo gaabinta safarkiisa Cadale uu muujinayo heerka sare ee khatarta amni ee ka taagan gobolka, taasoo u baahan in si deg-deg ah looga jawaabo.

Heshiisyo cusub oo Ankara lagu saxiixayo

Sida aan horay u baahinay Soomaaliya waxaa la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.

Xasan Sheekh ayaa hadda Turkiga kusoo saxiixaya heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.

Inkastoo aan lasii faah-faahin nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, hadana waxay Soomaaliya si joogto ah ugu baahnaa doontaa in laga caawiyo gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan argagixisada iyo tababarka askarta Soomaaliyeed ee howlgelineysa.

Xasan Sheekh ayaa hadda qorsheynaya inuu xoogga saaro duqeymaha, isagoo shalay kasoo laabtay furimaha dagaalka, kadib markii Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku xiga degmadii uu habeen hore Xasan Sheekh ku hoyday ee Cadale.

Si kastaba, culeys badan ayaa ka jira dagaalka dhulka ah, waxaana gacanta Al-Shabaab galay dhul badan, lama garanayo meesha ay wax ka qaldan yihiin, balse waxaa muuqata in habac badan uu ka jiro dhanka hoggaaminta dagaalka ee dowladda.