Xukuumada Saciid DENI oo bilowday beegsi ka dhan ah…

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa bilowday in ay beegsato siyaasiyiinta ka ra’yi duwan, iyadoo shalay xabsiga dhigtay siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Mideeye.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Axmed Shire Yaasiin ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kadib markii uu kasoo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay xisbiga Mideeye ayaa si adag loogu cambaareeyay xariga siyaasigan, oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan.

“Xisbiga Mideeye wuxuu si adag u cambaaraynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geystay Axmed Shire Yaasiin oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga mucaaradka ee Mideeye.

Xisbi ayaa ka digay xarigga siyaasadaysan ee dowladdu ku caburinayso xisbiyada mucaaradka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Axmed Shire, oo xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

“Ma aqbalayno in Puntland ay ku dayato dhaqanka laga soo min-guuriyay Somaliland, oo qof kasta oo caasimadda Soomaaliya taga la xiro. Puntland waa in ay dhowrto dastuurkeeda iyo xeerarka u yaalla, ayna xaqiijiso xornimada muwaadiniinteeda iyo wada-noolaanshaha bulshada.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Mideeye oo dhameystiran;

Xisbiga Mideeye wuxuu si adag u cambaaraynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geystay Mudane Axmed Shire Yaasiin oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga.

Mudanaha ayaa si aan waafaqsanayn sharciga loogu xiray Garoonka Diyaaradaha Garoowe, iyada oo aan la sheegin wax denbi ah oo uu galay.

Waxaan si cad u muujinaynaa in xariggaas uu yahay mid baalmarsan xeerarka dalka u yaalla, maadaama uusan jirin wax denbi ah oo lagu eedeeyey Mudabe Axmed Shire Yaasiin.

Falalka sidan oo kale ah, waxay halis gelinayaan sumcadda Puntland, iyagoo carqalad ku noqonaya nabadda iyo midnimada bulshada.

Waxaa si isa soo tarayey bilihii ugu danbeeyey xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacayey muwaaddiniin wax denbi ah aan gelin, taasoo looga gollahaa keliya, cabburin iyo cadaadis siyaasadeed oo loola jeedo in la aamusiyo codadka ka aragtida duwan dowladda.

Hab-dhaqanka ay dowladda hadda jirta la timid wuxuu u egyahay midkii kaligii-talisyada oo aan oggolayn isla-xisaabtan iyo sixid , isla markaana aan tixgelinayn sharciga iyo xuquuqda muwaaddiniinta.

Xisbiga Mideeye wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah, loo sii daayo Mudane Axmed Shire Yaasiin, xoriyaddiisana dib loogu soo celiyo.

Ma aqbalayno in Puntland ay ku dayato dhaqanka laga soo min-guuriyay Somaliland, oo qof kasta oo caasimadda Soomaaliya taga la xiro.

Puntland waa in ay dhowrto dastuurkeeda iyo xeerarka u yaalla, ayna xaqiijiso xornimada muwaadiniinteeda iyo wada-noolaanshaha bulshada.