25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Sawirro: XASAN oo daah-furay gogosha wadatashiga qaran – Yaa ka qeyb-galay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd daah-furay gogosha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha ayaa daah-furka gogoshan ugu baaqay umadda Soomaaliyeed adkaynta midnimada iyo wadajirka, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo dadka kala geynaya.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah hadaf qaran, isla markaana mucaarad iyo muxaafidna aysan dooneynin in dib loogu laabto doorasho dadban oo caqabado badan laga dhaxlay.

“Madaxda su’aalaha ka qaba doorashada qof iyo cod ah waxaa lagu qancin doona wada-hadal, si loo gaaro guul dhaxal-gal ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha caalamka ayuu xusay inay dadaal ku bixinayso taageerada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in horumarinta dalku ay tahay mas’uuliyad u taal dadka Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu nasiiyay wixii aan kaga baahnayn, balse waxaa qabyo ah shaqo inaga inoo taalay, oo ahayd in dadka Soomaaliyeed mar hore ka gudbaan si aan u dhisanno dowladnimo dhammaystiran,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Gogosha wadatashiga qaran waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha dowladda, siyaasiyiin dalka xilal hore uga soo qabtay, ururada siyaasadda, bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku midoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa hore u caddeeyay in aysan ka qeyb-galeyn gogoshan, oo ay ku sheegeen mid uu hoggaanka dalka uga dan leeyahay sidii uu ku xoojin lahaa awooddiisa, uuna uga reebi lahaa mucaaradka saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee la filayo sanadka 2026.

- Advertisement -

Read more

Local News