Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Waare, ku beddelay ergey cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd magacaabay ergey cusub, kaasi oo lagu beddelay Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Somalia.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xil-saaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howl-gallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda.

Madaxweynaha ayaa ergeyga cusub kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

April 2023 ayay aheyd markii madaxweynaha uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.