Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno dhanka Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa sheegaya in kulankii Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha, Wasiirka amniga iyo Taliyaha Nabadsugida uu Caawa soo xirmay isaga oo qabyo ah.
Xildhibaanada Su’aalaha dhiibtay inta uu kulanka socday ayaa tirro ahaan lagu sheegay 27 Xildhibaan, waxaana sidoo kale isdiiwaan galiyay Xildhibaano dhan 54.
Waxaa Caawa lagu balamay in maalinta bari ah la dhameystiro kulanka qabyada ah, iyadoona ay jiraan Xildhibaano kulanka ka dhex gudbiyay cadeymo muujinaaya in Mas’uuliyiinta Su’aalaha la weydiinaayay ay geysteen musuq qaran oo la xiriira dhanka Amniga.
Ka hor inta uusan soo xirmin kulanka ayey Xildhibaano aad u farabadan fadhiga ka gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Taliyaha Nabadsugida Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare oo isagu ku eedeysan fashil dhanka amaanka Gobolka ah.
Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in lagu fashilmay amniga, waxaana Xildhibaanada qaarkood u soo jeediyeen Taliyaha Nabadsugida inuu is casilo.
Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka uu iska difaacay Su’aalihii la weydiinaayay isaga oo dhamaan jawaabihiisa kusoo xiray in Wasiirka amniga iyo Taliyaha Nabadsugida ay ku fashilmeen sugida amaanka dalka.
Wasiirka amniga iyo Taliyaha Nabadsugida ayaa ku haftay Su’aalihii ay weydiinayeen Xildhibaanada, waxaana la tilmaamayaa in su’aalaha ugu badan ay ahaayen kuwo la weydiinaayay Wasiirka iyo Taliyaha Nabadsugida.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Xildhibaanada inuu baajinayo kulankii khamiislaha ee Golaha Wasiirada, si maalinta berri dooda loo sii ambaqaado, maadaama xilliga uu dheeraaday, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka uu cadeeyay inay dhiman yihiin Xildhibaano kale oo is qoray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

