DEG DEG: Xildhibaano lala xiriirinayo jabhadda ka dillaacday Awdal oo la xiray

Boorama (Caasimada Online) ― Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama.

Ciidamada Booliska ee magaalada Boorama ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay saddexdaa xildhibaan, xili ay ku sugnaayen Hotel-ka Raysa oo kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada Boorama.

Sida ay Caasimada Online ogaatay xildhibaanadan ayaa waxa si qasab ah lagaga xiray hutelkii ay ku sugnaayen, iyadoona waaran qabasho loo sidan, isla markaana ah xildhibaano xasaanad buuxda uu siiyey dastuurku.

Xildhibaanada oo goordhoweyd xabsiga dhexe ee magaalada Boorama loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin: Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada, Xildhibaan Maxamed Muxumed Faarax Dheerayste, Xildhibaan Mustafe Xasan Labo-qaydle iyo Xildhibaan Mustafe Indhosheed.

Xildhibaanadan ayaa waxa loo xiray arrimo la xidhiidha Jabhad dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla, iyadoona halkaasi ka wada dad urursi, isla markaana lagu tobabaro deegaanadaasi oo ah bariga gobolka Awdal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xiray.

Caasimada Online oo isku dayday inay wax ka weydiiso xariga xildhibaanadan Taliska ciidamada booliska gobolka iyo ka degmada Boorama, ayeysan u suurto-gelin kadib markii ay ka jawaabi waayeen telefoonadooda gacanta.

Dhinaca kalena, Caasimada Online ayaa labo maalin ka hor baahisay xogta Jabhadaasi ka abuurmatay deegaanadaasi hoos yimaada gobolka Awdal iyo dhaq-dhaqaqyada ay ka wadaan, kuwaasi oo mudooyinkii u dambeeyayna waday dar-dar gelin iyo u diyaar garow dagaal ka dhana xukuumada Muuse Biixi. Halka ka aqriso xogtaas.

Sida ay Caasimada Online xogta ku helaysay Jabhadaasi ayaa waxa ay daba socotay Jabhad kale oo hore uga jirtay gobolka Awdal, taasi oo uu hogaamin jirey Suldaan Wabar, midaasi oo iyaduna dib u soo rogaal celisay sida ay noo xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com