Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntlnad Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka doorashooyinka.
Ugu horreyn Saciid Deni ayaa farriin culus u diray Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka, maadaama lagu jiro xaalad adag oo hubanti la’aan ah.
Golaha oo lagu dhisay Nairobi ayuu sheegay in Puntland ay si buuxda u taageereyso, isla markaana loo baahan yahay inuu qaato mas’uuliyaddda ka saaran badbaadinta dalka.
“Haddaba dowladda Puntland waxay si buuxda u taageereysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka” ayuu yiri Deni.
Sidoo kale, waxa uu baaq u diray xubnaha Beesha Caalamka oo uu ka dalbaday inay taageero ku siiyaan sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka Soomaaliya, si xal loogu helo jahwareerka taagan.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha mustaqbalka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd hubanti la’aanta amni iyo jahwareerka siyaasadeed” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhankale, waxa uu ka digay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah isaga oo caddeeyay marnaba aysan Puntland ogolaan doonin in meesha laga saaro dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu yahay, xilli horay Villa Somaliaugu ku guuleystay wax ka beddal lagu sameeyo qodobada qaar oo la horgeeyay Baarlamaanka.
“Dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah”. ayuu sii raaciyay
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay isku hayaan Villa Somalia, mucaaradka la baxay Madasha Samatanixinta Soomaaliyeed, Jubbaland iyo Puntland.

