DENI oo ka hadlay arrimo xasaasi ah – Muxuu ka yiri doorashada Soomaaliya?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhigga 49-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Puntland, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn baarlamaanka u gudbiyey warbixin ku aadan Puntland, isaga oo si gaar ah u hadlay doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka billowday maamulkaasi, soo dhoweyntii loo sameeyey, dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood, arrimaha dhaqaalaha, ammaanka, dib u dhiska waddooyinka iyo abaaraha ka jira Puntland, siiba Roob la’aanta.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale khudbaddiisa si aad ah ugu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka, wuxuuna qiray inay jiraan dib u dhacyo ay sababeen arrimo farsamo, sidaas daraadeedna ay haatan Puntland si dhaqso ah u guda-geleyso doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in Puntland ay ahmiyad gaar ah siin doonto in la soo gabagabeeyo doorashada Soomaaliya, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro

“Waxaa naga go’an in aan si dhaqso ah u billowno doorasho oo sababo farsamo gadaal ugu dhacay waxaan ahmiyad siineynaa in lasoo gabagabeeyo firaaqa hoggaamineed ee dalka ka jira,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Deni oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay mar-weliba u taagan tahay dowlad dhiska Soomaaliya, iyada oo loo marayo dib u heshiisiin iyo tubta amniga dalka.

“Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxay markasta u taagan tahay xoojinta dowlad dhiska Soomaaliya ee hannaanka federaalka, iyada oo loo maraayo tubta adkeynta amniga dalka iyo dib u heshiisiin bulsho,” ayuu markale yiri madaxweynaha Puntland.

Saciid Deni ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inay Puntland mar-walbo wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la leedahay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, wax kasta oo amniga iyo horumarka caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasiloonida iyo horumarka maamulka Puntland,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan la guda-galayo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka culus marka la eego midii Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.