DENI oo laba qodob kala hadlay safiirka Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador Larry André Jr.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha looga hadlay kulankaasi, waxaa lagu sheegay inay ka wada-hadleen amniga iyo abaaraha.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Safiirka Mareykanka oo kulanka ka hadlay ayaa u ballan-qaaday Madaxweynaha taageero ku aadan gurmadka abaaraha ka jira deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Arrimaha kale ee la’isla soo qaaday waxaa ka mid ah dagaalka kooxaha argagixisada, maadaama dhulka buuraleyda mamaulkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Somalia, wuxuuna qayb ka yahay howlgallada ka socda dalka, isaga oo duqeymo ka fuliya koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.