Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay taliyeyaasha ciidamada gaarka ah ee waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Afrika, Col. Ryan Flaherty iyo Col. Rich Grover, oo ay wehliyaan saraakiil sar-sare.
Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.
Sidoo kale waxaa si gaar ah diiradda loo saaray guulaha laga gaaray hawl-gallada geba-gebada maraya ee ururka Daacish looga sifeynayo Calmiskaad, iyo xoojinta iskaashiga guud ee la-dagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay sida ay dowladda iyo shacabka Puntland uga taageereen in hawlgalka Calmiskaad uu guuleysto.
Kulanka waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, iyo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Madaxweyne Siciid Deni, oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sidoo kale halkaas kula kulmay safiirrada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden, iyo diblomaasiyiin sare oo ka tirsan safaaradaha Maraykanka, Switzerland, Finland, France, Netherlands, iyo Bangiga Adduunka (World Bank).
Kulankaas waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Puntland lagu bogaadiyay hawl-galka ay argagixisada kaga ciribtireyso deegaanadeeda iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.
Sidoo kale, Saciid Deni iyo wakiillada beesha caalamka ayaa ka wada-hadlay arrimaha bani’aadannimada iyo iskaashiga horumarineed.











